Hadaljeedinta musharaxiinta Madaxweynaha oo maanta ka bilaabanaysa Muqdisho

Hadaljeedinta musharaxiinta u tartamaysa jegada Madaxweynaha Somaliya ayaa maanta ka bilaabanaysa Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, iyadoona musharaxiinta ay Xildhibaanada Labada Aqal uga warbixin doonaan wax-qabadkooda, haddii la doorto.

Illaa labaatan musharax ayaa maanta u leh hadaljeedinta, halka sagaal iyo toban musharaxna ay berrito u leeyihiin, waana khudbadda ay tahay in musharax kasta uu ku faah faahiyo waxa uu qaban doono, haddiiba xilka loo doorto.

May be an image of text that says 'P JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA BAARLAMAANKA FEDERAALKA H”DAL- HADAL-JEEDINTA MUSHARAXIINTA MADAXWEYNAHA. 11-12 May 2022 Teendhada Avisione SOMALIA PRESIDENTIAL DEBATES ENEDLIE म SOMALIA PRESIDENTIAL DEBATES SEEEOEL SOMALIA PRESIDENTIAL DEBATES HALT SEMIGLEET SOMALIA ESDENTIAL DIEBATES'

Musharax Cabdi Aadan Hoosow ayaa ku qoran khudbadda hore oo bilaabanaysa 10:00am barqanimo, waxaana xusid mudan in musharax kasta uu haysto muddo 15 daqiiqo ah, oo uu ku qaadaa-dhigo wax-qabadkiisa.

Xasan Cali Khayre, Ra'iisal Wasaarihii hore ee dalka ayaa jeedin doono khudbadda gunaanadka ee kulanka maanta, oo kulankana uu ku soo xiri doono 5:35pm galabnimo.

Image

Faallooyin