Shariif Sheekh Axmed oo Aadan Madoobe kala hadlay Doorashada Madaxweynaha

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa xalay hoygiisa ku booqday Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo uu kala hadlay arrimaha doorashada dalka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa si dhow Gudoomiyaha ugala hadlay in Doorashada Madaxweynaha, ay noqoto mid si xor iyo xalaal ah loogu tartamo, taasoo uu Aadan Madoobena ka ballanqaaday.

May be an image of 1 person, standing and indoor

"Kulanka ayaa looga hadlayay arrimaha Doorashada Madaxweynaha in ay ku dhacdo si hufan." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Qoraalka ayaa lagu yiri "Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa ballanqaaday in ay doorashada noqon doonto mid loo wada siman yahay, oo nabad iyo xasillooni ku qabsoomta."

Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah musharaxiinta u taagan jegada madaxtinimada ee dalka ayaa Caasimadda Muqdisho ka wado olole u ku doonayo in dib loogu soo doorto xilka.

May be an image of 1 person, sitting and indoor

May be an image of 1 person and indoor

May be an image of 1 person, sitting and suit

May be an image of 1 person, beard, wrist watch, suit and indoor

May be an image of 2 people, people sitting, suit and indoor

May be an image of 6 people, people standing and indoor

Faallooyin