Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa caawa Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Xasan Sheekh Maxamuud oo u taagan jegada madaxtinimada ee dalka ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo uu kala hadlay Doorashada Madaxweynaha.

May be an image of 8 people and people standing

"Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hoygiisa ku qaabilay musharax Madaxweynaha Somaliya, Mudane Xasan Shekh Maxamuud, waxayna Iska xog wareysteen xaalada dalka iyo Doorashada Madaxweynaha Somaliya." Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri "Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa qaar ka mid ah Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya."

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah musharaxiinta hadaljeedinta u leh maalinta Khamiista, si ay Xildhibaanada warbixin uga siiyaan waxa ay qaban doonaan, haddii la doorto.

Musharaxiinta ayaa Caasimadda Muqdisho ka wada olole ay ku soo kala jiidanayaan Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, si ay codka u siiyaan maalinta doorashada.

May be an image of 1 person, sitting, wrist watch and indoor

May be an image of 1 person, sitting and indoor

May be an image of 6 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 5 people, people sitting and indoor

May be an image of 4 people, people sitting and indoor

May be an image of 1 person, sitting, suit and indoor

May be an image of 2 people, people standing and indoor

May be an image of 1 person

May be an image of 2 people, suit and indoor

May be an image of 3 people, people sitting and indoor

May be an image of 2 people, people sitting, suit and indoor

May be an image of 1 person, sitting, wrist watch and indoor

Faallooyin