Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo shir uga qaybgalay Teendhada Afisyooni

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa galabta kormeeray Teendhada Afisyooni, oo Arbacada ay ka bilaabanayso hadaljeedinta musharaxiinta, laguna wado in Axadda soo socoto lagu doorto Madaxweynaha xigga ee dalka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Teendhada Afisyooni ku shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga doorashada, iyadoona ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha, Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

May be an image of 1 person and sitting

"Shirkan oo saacad qaatay ayaa diiradda lagu saaray wada shaqaynta Guddiga Qaban-qaabada Doorashada, Ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Guddoonka Golaha Shacabka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay "Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ciidanka ku amray in musharaxiinta imaaneysa hoolka doorashada, Xildhibanaada, kor-joogtada iyo Suxufiyiinta, loola dhaqmo si ixtiraam uu ku jiro.

Dhanka kale Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa bogaadiyay dadaalka ciidanka ammaanka ay wadaan iyo guddigaba, isaga oo musharaxiinta iyo cid kasta oo hoolka doorashada imaaneysa u sheegay in shaqada ciidanka lagu ixtiraamo, taasna looga gol leeyahay adkeynta ammaanka doorashada oo ku dhacda si nabdoon."

Ciidamada amniga ayaa maalmaha ina soo aaddan waxay khudbadaha musharaxiinta iyo doorashada xigtaba u xiri doonaan amniga goobta doorashada iyo wadooyinka magaalada, taasoo ayna dadweynuhu culeyskeedu dareemi doonaan.

May be an image of 12 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 10 people, people sitting, people standing, indoor and text that says 'AU'

May be an image of 8 people, people standing and indoor

May be an image of 10 people and indoor

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

May be an image of 2 people and suit

May be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 3 people, people sitting, wrist watch and indoor

May be an image of 3 people, people sitting and indoor

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

May be an image of 5 people and indoor

May be an image of 1 person, military uniform and indoor

May be an image of 3 people and people standing

May be an image of 3 people and military uniform

Faallooyin