Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay doorashada kuraastii ugu badneyd

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa caawa shaaciyay doorashada 21 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Qoraal ka soo baxay Guddiga Doorashada Galmudug ayaa lagu shaaciyay tirsiyada 21 kursi, oo doorashadoodu lagu qaban doono Galmudug.

"Guddiga Doorashada Galmudug wuxuu shaacinayaa qabashada 21 kursi ee Doorashada Aqalka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya. Guddiga Doorashada Galmudug wuxuu guda gelayaa shaacinta Odayaasha iyo Bulshada Rayidka, diiwaangelinta, tababarada guddiga xulista iyo ergada." Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Bishii November ayay ahayd markii Magaalada Dhuusamareeb lagu doortay 5 ka mida kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Waa kuraastii ugu badneyd ee mar qura la shaaciyo in doorashadoodu la qabanayo.

No photo description available.

Faallooyin