Nin ka tirsanaa Jabhadaha Shabaab oo isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta soo bandhigay nin sida ay sheegeen ka soo goostay Ururka Al Shabaab.

Cabdiraxmaan Xuseen Aadan (Amiir Arbac) oo labadii sano ee ugu dambeysay ka tirsanaa Jabhadaha Shabaabka ayaa isu soo dhiibay ciidanka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Qaybta 60aad ayaa lagu sheegay in xilligan uu ninkaasi ka hawlgelayay Gobolka Hiiraan, isla-markaana uu ka qayb qaatay dagaalo dhowr ah oo ka dhacay deegaanada gobolkaasi.

Warka ayaa lagu yiri "Cabdiraxmaan ayaa sheegay sababta ku kaliftay in Al Shabaab isaga soo baxo ay tahay, ka dib markii aan arkay buu yiri khilaafka dhexdooda ee Al Shabaab ka jira, cadaalad darida, nolol xumo, ku dhaqanka Diinta Islaamka oo ay ka been sheegeen iyo dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed."

Sida qoraalka lagu sheegay Amiir Arbac ayaa saaxiibadiisa kale ee weli ka barbar dagaalamaya Al Shabaab ugu yeeray inay isaga soo baxaan, isla-markaana ay dowladooda isu soo dhiibaan.

Toddobaadkii hore Taliska Qaybta 60aad ayaa deegaano ka tirsan Gobolka Baay ku soo bandhigay xubno uu taliskaasi sheegay inay ka soo baxeen safka Shabaabka.

Faallooyin