Wararkii ugu dambeeyay Guddiga Doorashooyinka oo dooranaya shir guddoon

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa lagu wadaa in goor dhow ay Magaalada Muqdisho ku doortaan Gudoomiyaha Guddiga.

Doorashada shir guddoonka ayaa ka dhaceysa Xerada Afisyooni, halkaasoo ay ku sugan yihiin inta badan Xubnaha Guddiga Doorashooyinka, oo iyagu ah kuwa wax dooranaya.

Guddiga Doorashooyinka oo 25 xubnood ka kooban ayaa waxaa iska soo dhex sharaxay laba xubnood, oo ku tartamaya kursiga Gudoomiyaha.

Doorashada shir guddoonka ayaa mooddaa inay dib uga dhacday waqtigii loogu talagalay, oo ahayd inay qabsoomto 11-kii barqanimo ee maanta.

Dhinacyada ugu tunka weyn siyasadda dalka ayaa la soo sheegaya inay ku loolamayaan, ciddii noqon laheyd Gudoomiyaha Guddiga.

Guddiga Doorashooyinka oo guddi madaxbannaan ah ayaan la garanayn ujeedada ay dhinacyadaasi u daneynayaan shir guddoonkiisa.

Dhawaan ayay ahayd markii Xubnaha Guddigu ay xilka ka qaadeen Gudoomiyihii hore ee guddigaasi, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro).

Faallooyin