Safiirka Mareykanka ee Somaliya oo booqday Safaaradda Somaliya ee Washington

Safiirka cusub Mareykanka ee Somaliya, Amb Larry Andre ayaa xalay booqday Xarunta Safaaradda Somaliya ee Magaalada Washington, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Kuxigeenka Safiirka Somaliya ee Mareykanka, Jacfar Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyay Danjiraha Mareykanka ee dalka.

Qoraal lagu daabacay barta Safaaradda ee Twitter-ka ayaa lagu yiri "Jacfar Jaamac oo ku hadlaya magaca Safaaradda ayaa waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Larry Andre oo si diiran loogu soo dhaweeyay, si ay uga wada hadlaan dhinacyada danaha iyo iskaashiga labada dhinac. Waxaan u rajeynaynaa Danjire Andre in uu si wanaagsan u guto shaqadiisa, uuna xoojiyo xiriirka."

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa 15-kii bishii April ee sanadkii hore waxa uu Larry Andre u magacaabay inuu noqdo Danjiraha xigga ee Mareykanka u joogga Somaliya.

Bishii December, Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa codka kalsoonida siiyay Danjiraha cusub, ka dib markii Guddiga Arrimaha Dibadda ee aqalkaasi uu goluhu horgeeyay magacaabidiisa.

Larry oo 60 jir ah ayaa isu diyaarinaya inuu xilka kala wareego Danjiraha uu muddo xileedkiisu dhammaaday ee Mareykanka u fadhiyay Somaliya, waa Donald Yamamoto.

Image

Image

Faallooyin