Madaxweyne Farmaajo oo teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya, Mudane Mohamed al-Menfi ayaa uga mahadceliyay doorkii uu ka qaatay dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa gudaha dalkaasi.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada ammaanka, xasilloonida mandiqadda iyo la dagaalanka argagixisada iyo tahriibka.

Mohamed al-Menfi ayaa tilmaamay ixtiraamka iyo qadarinta ay shacabka Liibiya u hayaan walaalahooda Soomaaliyeed, isaga oo xoojiyay ballanqaadkiisii ku aaddanaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xaniban gudaha dalkiisa.

Dowladda Federaalka Somaliya waxa ay sannadihii la soo dhaafay dadaal xoogan ku bixisay dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jiray xabsiyada shisheeye, iyada oo haatan qaar badan oo ka mid ah ay si xorriyad iyo karaamo leh ugu nool yihiin dalkooda.


Faallooyin