Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ee dalka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa galabta Magaalada Muqdisho kula kulmay Ergayga Gaarka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in James Swan ay ka wada hadleen horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka, qorshaha xilliga kala guurka iyo sare u qaadidda hawlgalada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM.

Qoraalka Wasiirka ayaa u qornaa "Waxaan kulan miro dhal ah la yeeshay Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobey u fadhiya Somaliya Mudane James Swan.

Waxaan ka wada hadalnay horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka, qorshaha Kala guurka qaran iyo sare u qaadidda hawlgalada Amisom iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Waxaan uga mahadceliyay taageerada Qaramada midoobey ay la garab taagan tahay Somaliya."

May be an image of 1 person and sitting

May be an image of 5 people, people sitting, people standing, table and indoor

May be an image of 6 people, people standing and suit

May be an image of 4 people and people standing

Faallooyin