Ra'iisal Wasaare Rooble oo ka hadlay dhallinyarada lagu dilay Muqdisho

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay dhallinyaradii xalay iyo caawa lagu kala dilay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowladda ayaa xalay wiil iyo gabar wada dhashay ku dilay Isgoyska Dabka, halka caawana ay nin kaloo dhallinyaro ahaa ku dileen agagaarka Isgoyska Zoobe.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa bogaadiyay ciidamada amniga, oo sida uu sheegay gacanta ku soo dhigay eedeysaneyaasha, isagoona faray in si degdeg ah sharciga loo horkeeno.

Ra'iisal Wasaare Rooble ayaa yiri "Waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanayaa, una tacsiyeynayaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen Allaha naxariistee dhallinyaradii xalay iyo galabta lagu dilay Muqdisho ee Sakariye Maxamuud Xuseen, Sowda Maxamuud Xuseen iyo Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud.

Waa tallaabo wanaagsan in ciidamada ammaanku soo qabteen eedeysaneyaashii. Waxaan farayaa in si degdeg ah sharciga loo hor geeyo, si dhibaneyaashii iyo eheladoodu caddaalad u helaan."

Rooble ayaa warkan ku sheegay qoraal uu dadweynaha kula wadaagay bartiisa xiriirka bulshada ee Facebook.

Faallooyin