Wararkii ugu dambeeyay xiisadda Magaalada Boosaaso

Waxaa weli Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka taagan xiisad u dhaxeyso ciidamo ka wada tirsan kuwa Maamulka Puntland, taa oo xaalad hubinti la'aan ah ku keentay magaalada.

Xiisadan ayaa ka dambeysay, ka dib markii Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu 24-kii bishii November uu xilka ka qaaday Agaasimihii Ciidanka PSF, General Maxamuud Cismaan, isagoona xilkaasi u soo magacaabay S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr, ha yeeshee Agaasimaha xilka laga qaaday ayaa sharci-darro ku tilmaamay tallaabada xilka looga qaaday, isla-markaana aanu u hoggaansami doonin.

Ciidanka PSF oo u tababaran la dagaalanka argagixisada ayaa wixii xilligaa ka dambeeyay soo baneeyay fariisimihii ay kaga sugnaayeen duleedyada Boosaaso, iyagoona gudaha u soo galay magaaladaasi.

Talaadadii waxaa Magaalada Boosaaso gaaray ciidankii ugu badnaa, saacado ka dibna Ciidanka Badda Puntland oo wata gaadiidka dagaalka ayaa fariisimo ka sameystay nawaaxiga Dekedda Boosaaso. Tani ayaa jewiga magaalada ka dhigtay xiisad u muuqato mid dagaal horseedi karta.

Ciidamadii faraha badnaa ee Daraawiishta Puntland ee magaalada gaaray ayaa Arbacadii la geeyay oo la dejiyay duleedka magaalada.

Dadka degan xaafadda Ridwaan oo kaabiga ku haysa Xerada Ciidanka PSF ayaa bilaabay inay guryahooda isaga barakacaan, ka dib markii Ciidanka PSF-ta ay ku wargeliyeen isaga fogaadaan xaafadaasi, oo sida ay sheegeen uu dagaal ka qarxi rabo.

Ciidamo kale oo ku sugan kontoroolka Boosaaso ayaa dib magaalada ugu soo celiyay qoysas barakac ahaa. Qoysaskan ayaan ku laaban guryahoodii, iyaga oo haatan dul saar ku ah eheladooda degan xaafadaha kale ee magaalada.

"Ma'ahan dadkii la rabay inay shacabka difaacaan oo amniga magaalada sugaan inay iyaga isku hoos noqdaan. Ma'ahan inay noloshaynii iyo naftaynii khatar ku noqdaan, mana ahan inaan iyaga ka baqno." Ayay tiri Maryan Cabdi Cali oo ka mid ah dadka ka barakacay xaafadda Ridwaan.

Maryan Cabdi oo VOA la hadashay ayaa tiri "Waxaan codsanaynaa, maadaama aan nahay dadka ku dhaqan Magaalada Boosaaso in nabadda iyo xasilloonida dadka la ilaaliyo. Waxaan oo madaafiic ah iyo waxaan oo xabado ah haddii la'isku rido, maxaa naga haraya, anaguna hari mayno, guryahayaga waxba ka hari maayaan, iyaga laftirkoodana waxba ka hari maayaan. Dagaal wiil baa ku dhinto, wiil kuma dhasho."

Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari ayaa bilaabay dadaalo ay ku doonayaan in ay ugu kala dab qaadaan maamulka iyo ciidamada ka gadoodsan xil ka qaadista lagu sameeyay Agaasime Maxamuud Cismaan.

Beeldaaje Maxamed Beeldaaye Ismaaciil ayaa sheegay inay doonayaan in xal laga gaaro xiisadda maalmahaanba soo jiitameysay ee magaalada ka taagan.

Dadka reer Boosaaso ayaa rajeynaya in baaqa odayaasha loo hoggaansami doono, inkastoo aanay garanayn waxa ay xaaladda ku dambayn doonto.

Faallooyin