Hawlgal lagu dilay 12 Shabaab ahaa oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in hawlgal qorsheysan oo xalay ay ka fulisay Magaalada Muqdisho lagu dilay laba iyo toban nin oo Ururka Al Shabaab ka tirsanaa.

Hay'adda NISA ayaa qoraal ku sheegtay in bartilmaameedku ahaa shan iyo toban Sarkaal, oo Al Shabaab u qaabilsanaa qalqalgelinta amniga Magaalada Muqdisho.

Qoraalka laguma sheegin goobta laga sameeyay hawlgalkaasi, ha yeeshee waxay NISA sheegtay in uu waajib qaran yahay ilaalinta amniga iyo badbaadada shacabka.

“Hawlgal gaar ah ayaa caawa lagu beegsaday 15 Sarkaal oo argagixisada maafiyada ah ee Al Shabaab u qaabilsanaa khalkhal-gelinta amniga Caasimadda Muqdisho. Waxaana ku dhintay 12 ka mid ah argagixisada. Waa waajib qaran ilaalinta amniga iyo badbaadada ummadda Soomaaliyeed." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Garabka hubeysan NISA ee Duufaan ayaa habeenadii la soo dhaafay hawlgalo amni xaqiijin ah ka waday Magaalada Muqdisho.

Faallooyin