Ra'iisal Wasaare Rooble oo war ka soo saaray doorashada dalka

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble waxa uu bogaadinayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federal, Guddiyada Doorashooyinka Somaliland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo si rasmi ah u bilaabay Doorashada Golaha  Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya.

Ra’iisal Wasaaraha waxa uu farayaa Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee Puntland, Jubbaland iyo Hirshabelle in ay si dhakhso ah u bilaabaan qabashada Doorashada Golaha Shacabka, si doorashada loogu soo geba-gabeeyo waqtiga loo cayimay ka hor dhammaadka 2021-ka.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha waxa uu farayaa  Guddiyada Doorashooyinka in ay ilaaliyaan madaxbanaanidooda, una hoggaansamaan xeerarka iyo Habraacyada doorashooyinka ee ku cad heshiisyadii 17-September iyo 1-dii October 2020,  27-kii May iyo 24-kii August 2021.

Hufnaanta doorashada waxay muhiim u tahay in doorashada u dhacdo si nabadgelyo ah iyo in xilliga kala guurka ahi uu noqdo mid looga gudbo si xasiIlooni ah. Shacabka Soomaaliyeed waxa ay isha ku hayaan hufnaanta doorashada oo saldhig u ah xasilloonida dalka, sidaas darteed Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu ku adkeynayaa Guddiyada Doorashooyinka in ay arrintan iska saaraan masuuliyad iyo taxadar dheeri ah.

Ugu dambayntii Ra’iisal Wasaaraha XFS waxa uu ka codasanayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka ah in ay Guddiyada Doorashooyinka u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda, kuna dhiirigeliyaan guddiyada in ay si madaxbannaan oo hufan u fuliyaan howlaha doorashada.

Faallooyin