Dhaawaca Agaasimaha Telefishinka Qaranka oo la geeyay Istanbul

Waxaa goor dambe oo xalay ahayd Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Istanbul ka degatay diyaarad siday dhaawaca Agaasimaha Telefishinka Qaranka, Sharmaarke Maxamed Warsame, oo Arbacadii laga qaaday Magaalada Muqdisho.

Safiirka Somaliya ee dalka Turkiga, Danjire Jaamac Caydiid Maxamed ayaa Garoonka Istanbul ku soo dhaweeyay xubnihii la socday dhaawaca Agaasimaha.

Agaasime Sharmaarke ayaa habeenkii Sabtida uu dhaawac culus ka soo gaaray weerarkii ismiidaaminta ee lagu dilay Alle ha u naxariistii Agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Cabdicasiis Afrika).

Dhaawaca Sharmaarke Maxamed ayaa loo baahday in dalka dibadiisa loo qaado, ka dib markii xaaladiisa waxba looga qaban waayay dalka.

Image

Image

Image

Image

Faallooyin