Tirada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee illaa hadda la doortay

1-dii bishan ayay ahayd markii dalka ay ka bilaabatay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, ka dib markii laba Xildhibaan lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Doorashadan oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee General Kaahiye (School Polizio) ayaa lagu soo doortay laba ka mida Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi, kuwaa oo kala ah Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Xildhibaan Biixi Imaan Cilmi.

Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo 23-kii bishan dib uga bilaabatay Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo doortay shan Xildhibaan oo kale, oo laba ka mida ay haween yihiin.

Xildhibaanadan ayaa kala ah Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Xildhibaan Amina Cumar Jaamac, Xildhibaan Faadumo Xasan Cali, Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi iyo Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye.

Arbacadii shalay oo 24-kii bishan ku beegneyd ayaa Magaalada Dhuusamareeb lagu soo doortay laba Xildhibaan, ka dib markii ay Galmudug bilowday Doorashada Golaha Shacabka.

Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad iyo Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) ayaa noqday Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Galmudug qabato doorashadooda.

Isla Arbacadii kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo doorashadiisu lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku guuleystay Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar.

Illaa iyo hadda inta laga warqabo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee la soo doortay ayaa waxay tiradoodu tahay 10 xubnood oo keliya, xilli Golaha Shacabka uu ka kooban yahay 275 Mudane, waxaana xubin kasta ay tahay inay soo doorato 101 ergo.

Sida uu qorshuhu yahay waxaa lagu wadaa in Doorashada Golaha Shacabka la soo geba-gabeeyo 20-ka bisha soo socoto ee December, tiiyoo aad mooddo inaanan waddadeeda la hayn.

Dadka wax fallanqeeya waxay sheegayan in wejiga labaad ee Doorashada Baarlamaanka Federaalka ay mar kale ka dib dhici doonto waqtigii loo muddeeyay in lagu soo geba-gabeeyo, marka aad eegto gaabiska badan ee hareeyay.

Somaliya ayaa waxay ku jirtaa xilli doorasho oo aad u adag, marka aad dib u milicsato labadii xilli doorasho ee ugu dambeysay.

Faallooyin