Puntland oo maanta qabanaysa doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ah

Puntland ayaa maanta doorashadii ugu horeysay oo qof iyo cod ah ka qabanaysa Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo dadka degan ay dooranayaan Xubnaha Golaha Deegaanka ee metelaya. Doorashadan ayaana horudhac u ah hirgelinta nidaamka axsaabta badan.

Doorashada ayaa loo asteeyay inay ka qabsoomto afar iyo konton goobood, guud ahaan saddexdaasi degmo. Shan iyo toban Urur Siyaasadeed ayaa isu diiwaangeliyay inay ku tartamayaan doorashadaasi. Sideed waxay ka tartami doonaan Ufeyn iyo Eyl, halka toddobada kalena ay ka tartami doonaan Qardho.

In ka badan 37,000 oo qof ayaa loo diiwaangeliyay inay ka qayb qaataan codeynta doorashadaasi, iyadoona 449 musharax ay ku tartamayaan 87 kursi, oo ah Golaha Deegaanka ee degmooyinkaasi.

Dadka ka qaybgelaaya doorashadaasi ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta oo la furay 6:00 subaxnimo, waxayna safafka ugu jiraan sidii qof weliba uu codkiisa u dhiiban lahaa.

Guuleed Saalax Barre, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in goobaha doorashada soo xirmi doonaan 6:00 maqribnimo.

Ciidamada ammaanka ayaa adkeeyay ammaanka degmooyinkaasi, iyadoona la hakiyay dhaqdhqaaqii gaadiidka. Sidoo kale degmooyinkaasi ayaa waxaan jirin cid geli karta, kana bixi karta inta ay doorashadu socoto.

May be an image of outdoors

May be an image of one or more people, people standing, outdoors and text that says 'SOMALIA'

May be an image of 7 people, people standing and outdoors

Faallooyin