Xubno ka tirsan Ahlu Sunna oo lagala baxay isbitaal ku yaala Gaalkacyo

Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa galabta isbitaal ku yaala Magaalada Gaalkacyo kala baxay Saraakiil ka tirsan Ururka Al Sunna, oo ku dhaawacmay dagaalka Guriceel.

Kumaandooska Danab oo watay gaadiidka dagaalka ayaa isbitaalkan oo ku yaala Koonfurta Gaalkacyo kala baxay laba Sarkaal.

Saraakiishan ayaa ka tirsanaa Saraakiishii Ciidamada Ahlu Sunna ee Dowladda Federaalka qarameysay bishii July ee sanadkii 2019, balse dib ugu biiray Ahlu Sunna, markii ay 1-dii bishan la wareegtay gacan ku haynta Magaalada Guriceel.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidanka Danab ay heleen xog sheegaysa in Saraakiishaasi arrimo caafimaad loo keenay Magaalada Gaalkacyo, sidaasina ay isbitaalka ugala baxeen.

Ma cadda goobta ay ciidamadu geeyeen Saraakiishaasi, waxayse imaanaysaa maalin ka dib, markii Taliyihii Ururka 6aad, Guutada 16aad (Danab) ee Qaybta Galmudug, Gaashaanle Cabdiladiif Axmed Culusow (Feyfle) uu ku geeriyooday dagaalka Guriceel.

Faallooyin