Taliyihii Ciidanka Haramcad ee Galmudug oo ku dhintay dagaalka Guriceel

Taliyihii Ciidanka Haramcad ee Qaybta Galmudug, Abshir Muumin Faarax (Fanax) ayaa fiidnimadii caawa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaal galabta ka dhacay Magaalada Guriceel.

Taliyaha ayaa ku dhaawacmay dagaal ka socday aagga Xarunta Jaamacadda, xilli Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay isku dayeyeen inay hareereeyaan Xoogaga Ahlu Sunna.

Taliyaha ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ee hoggaaminaysa hawlgalka ujeedkiisu yahay in Ahlu Sunna lagaga saaro Guriceel.

May be an image of 2 people, people standing and outdoors

Abshir Fanax waxa uu ka mid ahaa Ciidamadii Dowladda ee sanadkii 2018 lagu xareeyay Saldhigga Turkiga ee Magaalada Muqdisho (Turksom), markaas oo la bilaabay aasaaska booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Faallooyin