Farmaajo "Waxaanu iska diidnay in aan qaadano gunnimo dhereg leh"

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jeediyay khudbad ku aaddan go’aanka kama dambeysta ah ee ka soo baxay Maxkamadda ICJ ee kiiska dacwadda badda Somaliya ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyqy miro-dhalka dadaaladii waddaniga ahaa ee lagu difaacayqy kiiska badda.

Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka Somaliya ay la kulantay culeysyo badan oo diblomaasiyadeed, si ay u xaqiijiso guushan taariikhiga ah, iyada oo Dowladda Kenya ay qaadday tallaabooyin ay ku carqaladayneysay habsami u socodka dacwadda badda.

"Waxaanu u dhaarannay inaan ilaalino ammaanada aan u qaadnay shacabka Soomaaliyeed, damiirkeenna marnaba nama siinayo in aan dhaxalka jiilasha soo socda ku bedelano dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale. Waxaanu iska diidnay in aan qaadano gunnimo dhereg leh, anagoo ka dooranay gobanimo gaajo leh. Tallaabo kasta oo aanu qaadnay iyo go’aan kasta oo aan gaarnay waxa halbeeg u ahaa ilaalinta qabka, qaranimada, midnimada iyo sharafta dadka iyo dalka Soomaaliyeed." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa guushan taariikhiga ah ku tilmaamay mira-dhalka halgankii dheeraa ee dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u soo galeen xaqiijinta kiiska sharci ee lagaga hortagayay damaca hoggaanka Kenya ay ku doonayeen in ay ku sheegtaan qayb ka mid ah badda Somaliya.

"Waxaa guulaystay xaqa, waxaa guulaystay sarreynta sharciga, guushan waxaa leh shacabka Soomaaliyeed oo mar walba garab iyo gaashaan u ah Madaxdooda iyo dowladooda. Waxaan u mahadcelinayaa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo u hiilisay sarreynta sharciga. Xukunkani waa astaan qurux badan oo marqaati ka ah hufnaanta iyo daahfurnaanta garsoorka Maxkamadda ICJ." Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay halyeeyadii u soo halgamay guushan taariikhiga ah oo ay ugu horreeyaan Baarlamaankii 8aad ee qaatay go'aankii dhaxal dhowrka ahaa, Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, khuburadii Soomaaliyeed ee ay ka midka ahaayeen Dr. Muna Sharmaan iyo AHUN Eng. Maxamed Cumar Saalixi, Garyaqaanadii iyo khubarradii dhanka sharciga ee Shirkadda Foly Hoag iyo Guddigii Dowladda Federaalka Somaliya ee kiiiska dacwadda badda

Faallooyin