Wasiirka Amniga oo shacabka ugu baaqay inay dowladda kala shaqeeyan amniga

Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa cambaareeyay qaraxii dadka badani ku dhinteen ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

"Waxaan cambaaraynayaa falki waxshinimada ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho, kaas oo argagixisadu ku lahaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan." Ayuu yiri Wasiirka oo warkan ku sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in argagixisada ay falalka noocani oo kala ah uga gol leeyihiin cabsigelin iyo carqaladeynta amniga, waxaase uu sheegay inaanay ka hor joogsan doonin dadaalada ay ku xaqiijinayaan amniga dalka.

Wasiirka ayaa shacabka ugu baaqay in ay dowladda ku gacan siiyaan ciribtirka cadowgan buu yiri u soo tafa-xeetay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.

Image

Faallooyin