Dekedda Kalluumeysiga Hobyo oo maanta xarigga laga jaray

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa maanta xarigga ka jaray Dekedda Kalluumeysiga Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Mashruucan ayaa waxaa iska kaashaday Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Dowladda Talyaaniga, iyadoona ay dekedan adeegsan doonaan kalluumeysatada deegaanka.

Munaasabadda furitaanka Dekedda Kalluumeysiga Hobyo ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiro iyo Xildhibaano Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed, Maamulka Gobolka Mudug, Maamulka Degmada Hobyo, xubno ka kala socday Safaaradda Talyaaniga & Hay'adda WFP, shirkadda fulisay mashruucan iyo xubno kale.

Wasiirka Dekedaha & Kalluumeysiga Galmudug, Cabdisaabir Nuur Shuuriye ayaa munaasabadda ka sheegay in mashruucii weynaa ee lagu dhisayay Dekedda Hobyo u gebo-gabo ku dhowyahay.

Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa dhankiisa sheegay in mashruuca lagu dhisay Dekedda Kalluumeysiga Hobyo uu waxtar u leedahay dhaqaalaha dadka deegaanka iyo guud ahaan Galmudugba.

"Mashruuca dekedan kalluumeysiga ayaa waxtar badan u leh kordhinta nolosha iyo dhaqaalaha dadka reer Hobyaad iyo Galmudug, guud ahaan." Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

May be an image of 2 people, people standing, car, road and sky

May be an image of 3 people, people standing and sky

May be an image of one or more people, people standing and outdoors

May be an image of 10 people and people standing

May be an image of 9 people and people standing

May be an image of nature and ocean

May be an image of 9 people and people standing

May be an image of 6 people and people standing

May be an image of coast, nature, ocean and beach

May be an image of 8 people and people standing

May be an image of 8 people, people sitting and people standing

May be an image of 9 people, people standing and outdoors

May be an image of 3 people and people standing

May be an image of ocean

May be an image of ocean

May be an image of nature, beach, ocean, coast and sky

May be an image of 3 people, people standing, military uniform and outdoors

Faallooyin