Xukuumadda oo ka tacsiyadeysay geerida ku timid Hibaaq Abukar

Xukuumadda Somaliya ayaa ka tacsiyadeysay geerida ku timid Hibaaq Abukar Xasan, oo ka tirsan Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha, kuna geeriyootay qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

War qoraala oo ka soo baxay Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh loogu diray dhammaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxday gabadhaasi.

Qoraalka ayaa u qornaa "Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha, Agaasimeyaasha iyo guud ahaan howl wadeennada Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada iyo asxaabtii ay ka geeriyootay Alle ha u naxariistee Hibaaq Abukar Xasan oo ka mid ahayd la taliyeyaasha arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo ku geeriyootay qaraxii argagixisadu maanta ka gaysteen Muqdisho

Hibaaq waxa ay ahayd gabar dhallinyaro ah oo firfircoon, howlkar ah, kuna sifowday daacadnimo iyo dal jaceyl.

Jannadii Firdowso Allaha ka waraabiyo marxuumadda, Samir iyo Iimaanna Allaha naga wada siiyo."

Faallooyin