Wararkii ugu dambeeyay ismiidaaminta ka dhacday Magaalada Muqdisho

Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin ahaa oo maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Ceelgaabta, oo ka mid ah kontoroolada laga ilaaliyo amniga Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaarigaasi uu ku qarxay meel lagu baaro gaadiidka aadda dhanka Qasriga Villa Somalia.

Image

Inta laga warqabo sideed qof ayaa ku dhimatay, sideed kalena way ku dhaawacantay qaraxan, oo uu gaystay qof la socday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Dadka ku dhintay qaraxa waxaa ka mid ah hooyo iyo laba carruur ah ay dhashay. Sidoo kale gabar lagu magacaabi jiray Hibaaq Abukar, kana shaqeynaysay Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha ayaa ku dhimatay qaraxaasi.

Qaraxa ayaa sidoo kale waxa uu burbur ka soo gaaray dhismayaal ku yaala aaggaasi, halka tiro gaadiid ahna ay ku basbeeleen.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa xaqiijiyay in sideed qof ku dhimatay qaraxaasi. Afhayeenka ayaa sheegay in toddobo ka mida dadkaasi ay rayid ahaayeen, halka kan kalena uu ahaa askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Wadooyinka.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan ayaa dhanka kale sheegay inay ku dileen masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka, inkastoo aanay warkooda ku sheegin tirada dadka ay ku waxyeeleeyeen qaraxaasi.

Image

Image

Faallooyin