Rooble oo digniin adag ka soo saaray kiiska Ikraan Tahliil

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa digniin ka soo saaray isku day kasta oo lagu marin habaabinayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo tallaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda Ciidamada Qalabka Sida.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu faray Taliye-yaasha Ciidamada Dowladda inay isaga fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumcadda ciidamada iyo kalsoonida shacabka.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa si adag uga horyimid guddiga uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u xilsaaray inay baaritaan ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahliil, kuwaa oo min xubin ay soo kala magacaabi doonaan Taliye-yaasha Booliska, Militariga iyo Nabad Sugidda, inkastoo aanay kala caddayn qofka uu yahay Taliyaha Nabad Sugidda, maadaama Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha ay laba Taliye u kala magacaabeen hay'addaasi.

War uu soo saaray Ra'iisal Wasaaraha ayaa u qornaa:-

Image

Faallooyin