Dad badan oo ku dhintay qaraxii Magaalada Muqdisho

Ugu yaraan toban qof oo askar u badan ayaa ku dhimatay, tiro kalena way ku dhaawacantay weerarka ismiidaaminta ee gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Degmada Wadajir.

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay ciidamo fadhiyay maqaaxi lagu shaaho, oo ku taala meel ku dhow Xerada Xalane.

Shaqaalaha gaadiidka gurmadka degdegga ayaa sheegay inay halkaasi ka daad-gureeyeen dadkii ku dhintay, kuna dhaawacmay qaraxaasi.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in toban qof ku dhimatay qaraxaasi, tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan. Shabaabka ayaa sheegay inay qaraxaasi ku dileen kow iyo toban askari, lix iyo toban kalena ay ku dhaawaceen.

Faallooyin