Weerar ismiidaamin oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor ay ismiidaamin ka dhacday maqaaxi ku taala Degmada Wadajir.

Maqaaxidan oo ay fariistaan Ciidamada Dowladda ayaa ku taala ka soo horjeedka Xerada Xalane, oo saldhigga ugu weyn ay ku leeyihiin Ciidanka AMISOM, sidoo kalena ay ku yaallaan Safaaradaha Reer Galbeedka.

Goobjooge ayaa sheegay in nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa uu beegsaday, oo uu isku qarxiyay ciidamo ku qayilayay maqaaxidaasi.

Goobjoogaha ayaa intaa ku daray inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo qaraxaas uu gaystay.

Dhawaqa gaadiidka gurmadka degdegga ayaa laga maqlaya nawaaxiga goobtii uu weerarku ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse qaraxyada ceynkani oo kala ah ayaa looga bartay maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Faallooyin