Doorashada Senatorada Aqalka Sare oo maanta ka bilaabanaysa Jowhar

Waxaa maanta Magaalada Jowhar ka bilaabanaysa doorashada xubnaha Hirshabelle ku meteli doona Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Illaa 27 musharax ayaa u taagan sideedda kursi ee Hirshabelle ku leedahay Aqalka Sare, waxaana xubnahaasi dooran doona Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle oo 99 Mudane ka kooban.

May be an image of 4 people and indoor

Musharaxiinta waxaa ka mid ah Senatoradii uu waqtigoodu dhammaaday, kuwaa oo mar kale dadaal ugu jira, sidii ay ku soo laaban lahaayeen.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in kuraasta qaarkood aad loogu tartami doono, musharaxiintana illaa saqdii dhexe ee xalay ay kulamo la lahaayeen Xildhibaanada.

May be an image of one or more people, people sitting, people standing and indoor

Sida uu qorshuhu yahay doorashada ayaa socon doonto illaa gelinta dambe ee Arbacada berrito ah, maadaama ay musharaxiintu badan yihiin, cid tanaasul sameysayna aanay jirin.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa lagu ammaanay in doorashada Senatorada Aqalka Sare uu ka dhigay mid daahfuran, si ka duwan doorashooyinkii ka dhacay Dowlad Goboleedyada kale, oo u muuqday kuwo dad gaar ahi loo xiray.

May be an image of 3 people, people sitting, suit and text that says 'DA LIYA The State E SEIT Implementation Team 20-2021 DAWLAD HIRSH DA NAH ARE HIRSI'

Faallooyin