Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo shaaciyay goorta la dooranayo guddoonka

Ka dib markii la xaliyay khilaafkii ka dhex taagnaa Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi ayaa waxay soo saareen war ay ku sheegayaan goorta ay shir guddoonka dooranayaan.

Guddiga ayaa shaaciyay in Guddoonka Guddiga la dooran doono 7-da bishan, oo ku aaddan maalinta Sabtida.

Xubnaha Guddiga ayaa lagu wargeliyay in doorashada ay ka dhici doonto Xerada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Image

Faallooyin