Galmudug oo magacawday Guddiga Doorashada Aqalka Sare

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal ayaa wareegto ku soo magacaabay Xubnaha Guddiga Doorashada ee Aqalka Sare.

Wareegtada ayaa lagu magacaabay 12 xubnood, kuwaa oo laba ka mida ay haween yihiin.

Magacaabidda xubnahan ayaa ku soo aadaysa, maalin ka dib markii Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka uu Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ugu yeeray inuu soo gudbiyo liiska musharaxiinta ku tartamaysa kuraasta Aqalka Sare.

Senatorada Aqalka Sare ee Galmudug ka imaanaya ayaa lagu dooran doonnaa Magaalada Dhuusamareeb.

Image

Faallooyin