Maalin ka dib qabashadii Cammaara oo is bedel laga dareemay

Waxaa degan xaaladda deegaanka Cammaara ee Gobolka Mudug, maalin ka dib, markii ay la wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug.

Labada ciidan ayaa bilaa dagaal kula wareegay deegaankaasi, ka dib markii ay isaga baxeen maleeshiyada Al Shabaab, oo in badan ku dagaalamay, sidii ay u difaacan lahaayeen.

Ciidamada la wareegay Cammaara ayaa waxaa horkacayay Taliyihii hore ee Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, General Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi, Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, Senator Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid) iyo xubno kale ayaa maanta tagay deegaankaasi, iyagoona ku shaahay goobaha ay bulshada isugu timaado.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in durbaba is bedel ganacsi laga dareemay deegaankaasi, haddii ay meesha ka baxeen maleeshiyadii Shabaabka ee dadka intiisa kale ka dhex soocnaa.

"Cammaara ganacsigii ayaa is bedel weyn maanta laga dareemay, waa magaalo ay la macaamili jireen dad gafuur xiran, oo in ay wax cunnaan ama cabaan ka baqi jiray, balse maantay magaaladii gafuurku, waa u wada furan yahay." Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka, General Maxamed Tahliil Biixi iyo Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay in haatan uu hawlgalka ku wajahan yahay Degmada Xarardheere.

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Faallooyin