Lafta-gareen oo gudbiyay liiska musharaxiinta Aqalka Sare qaarkood

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta gudbiyay liiska musharaxiinta qayb ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Madaxweynaha ayaa wareegto Guddiyada Doorashooyinka Hirgelinta Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed ugu gudbiyay toban musharax, oo ku tarmaysa shan kursi.

Tobanka musharax, afar ka mida waxaa weeye haween, iyadoo afarta haweenka ahi ay ku tartami doonaan laba kursi, taasoo macnaheedu yahay in laba haween ahi ku soo bixi doonaan labadaasi kursi.

No photo description available.

May be an image of ‎text that says '‎MADAXWEYNAHA WAXAA UU Soo GUDBINAYAA XUBANAHA MUSHARIXIINTA KA NOQANAYO KURAASTA AQALKA SARE BARLAMAANKA FEDERAALKA SOMAALIYA. Sida ku xusan magacyadooda hoos. K-NO: DGKGS-BF-AQ-01 F-AQ-01 MAGACA Aadan Cabdinasir Maxamed Maxamed Xasan Aadan DGKGS-BF-AQ-02 Dr. Xuseen Maxamed Daahir Xasan Maxamed Nuur DGKGS-BF-AQ-03 Zamzam Ibrahim Cali Shariifo Xaji Cusmaan Ibraahim DGKGS-BF-AQ-04 Maxamuud Maxamed Cabdinuur Garabey) Nuur Baabul Cadow DGKGS-BF-AQ-05 Ayaan Aadan Cabdulaahi Farxiyo Nuur Aadan Wada shaqeyn wacan. FOOKFUR ALBEED S ديجا M.ne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagreen) Madaxweynaha DGKGS. Tek: 252615555574 mal: ehickatilkaptsdlonga.o Baidoa Somalia‎'‎

Faallooyin