Rooble oo ka warbixiyay socdaalkiisii Magaalada London

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo isaga wefdigiisu dalka dib ugu soo laabteen ayaa marka hore ka tacsiyeeyay qaraxii shalay galab koox ciyaartoy ahayd lagula beegsaday Magaalada Kismaayo.

“Marka hore waxaan rabaa inaan halkan ugu tacsiyadeeyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Jubbaland falkii argagaxa lahaa, ee ay gaysteen dadka nabadiidka ah la beegsadeen dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isboortiga, intii dhimatay Allaha u naxariisto, intii ku dhaawacantay waxan Alle uga baryaynaa in uu caafimaad deg deg ah siiyo. Waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed marna nama niyad jebi nayaan qalooyinka nabadiidka ah, waana inaan feejignaanaa oo aan ka hortagnaa dhagarta cadowga." Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Rooble.

Ra'iisal Wasaaraha oo ka warbixinayay shirka isaga iyo wafdigiisa ay kaga qaybgaleen Magaalada London ayaa yiri “Runtii shirka qayb weyn ayaan ka qaadanay, waxaa kaloo barbar-socday kulamo aan la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Britain, Boris Johnson iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda UK, oo aan ka wadahadalnay arrimaha doorashooyinka, bani’aadanimada iyo amniga, guulo la taaban karo ayaa iyagana ka soo gaarnay, wax kasta oo aan uga baahano oo macquul ah oo horey noola garab istaagnaayeen ay haddana dadaalkooda sii laba laabayaan, waan isku soo afgaranay, safarkana waxa uu ahaa mid guulo noogu soo dhammaaday." Ayuu yiri Rooble.

Ra'iisal Wasaare Rooble ayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada Doorashooyinka Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

Faallooyin