Ra'iisal Wasaare Rooble oo bogaadiyay doorashada ka dhacday Kismaayo

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa soo dhaweeyay doorashada maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ee lagu soo doortay afar ka mida Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Guddiga Doorashada Heer Dowlad Goboleed Jubbaland ku ammaanay inay qabteen doorashada kuraastii ugu horeysay ee Aqalka Sare.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegay inuu rajeynayo in doorashadan ay bilow u noqoto doorasho si hufan uga qabsoomta dalka.

Rooble ayaa yiri "Madaxweynaha iyo Guddiga Doorashooyinka Jubbaland waxaan ku ammaanayaa inay maanta qabteen doorashada kuraastii ugu horeysay ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya.

Hambalyo sidoo kale Senatorada la doortay, oo aan rajeynayo in doorashadoodu bilow u noqoto doorasho si hufan uga qabsoonta dalka."

Faallooyin