Cabdi Qaybdiid "Anigaa ku sugan Cammaara waa xor"

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka tirsan Senatorad Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa xoojiyay warkii Dowladda Federaalka ee ahaa in Shabaab lagala wareegay deegaanka Cammaara ee Gobolka Mudug.

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya Daraawiishta Galmudug ayaa shalay ku dhaqaaqay deegaanka Cammaara, oo qiyaastii 9km u jira deegaanka Bacaadweyne.

Labada ciidan ayaa dagaal culus maleeshiyada Al Shabaab kula galay tuulooyinka Qod-qod iyo Qorille oo hoos-tagga deegaanka Cammaara.

Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa gelinkii dambe ee shalay sheegay in ciidamadu ay la wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi, taasoo ay Al Shabaab beenisay.

Senator Cabdi Xasan Cawaale ayaa isagu sheegay in ciidamadu ay si buuxdo ula wareegeen Cammaara, isla-markaana uu ka mid yahay masuuliyiinta ku sugan deegaankaasi.

Cabdi Qaybdiid ayaa Warbaahinta u sheegay in Cammaara ay maanta xor tahay, lagana xoreeyay cadowga, sida uu yiri.

"Ayagu waxay is leeyihiin xilligan dalka uu doorashadu ku jiro aad kaga faa'iideysataan, laakiin Insha'Allah waxaan u maleynayaa dadka inay dagaalka isaga difaaci doonaan." Ayuu yiri Cabdi Qaybdiid.

Senator Qaybdiid ayaa shacabka ugu baaqay inay naf iyo maalba u huraan dagaalka lagula jiro maleeshiyada Al Shabaab.

"Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan reer Galmudug in nimankan fitno wadayaasha ay hantidooda iyo dhiigooduba ku bixiyaan dagaalka lagula jiro, si carruurtooda iyo maatadoodii ay barakiciyeen, ay dib ugu soo laabtaan deegaanadoodii." Ayuu yiri Senator Qaybdiid..

Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa dhawaan sheegay in uu bilowday guluf ciidan, oo lagu xoreynayo Gobolada Dhexe.

Faallooyin