Wasaaradda Diinta & Awqaafta oo digniin ka soo saartay fulinta Udxiyada

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliya ayaa digniin ka soo saartay xoolaha lagu qalo xaafadaha, inta lagu guda jiro Ciidul Adxa.

Wasaaradda ayaa fartay dhammaan hay’adaha samafalka, kuwooda wadaniga ah iyo kuwa caalamigaba ee dalka ka hawlgala ee ka shaqeynaya fulinta Udxiyada sanadka 1442 2021, in ay u hoggaansamaan awaamirta Wasaaradda, Gobolka Banaadir iyo Wasaaradaha Diinta & Awqaafta ee Dowlad Goboleedyada.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda ayaa lagu sheegay inaanay jirin hay'ad u madaxbannaan in ay xoolaha ku gowraci karto goob ka baxsan goobaha loo asteeyay.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, ciddii aan u hoggaansamin awaamiirtan.

Hay'adaha ayaa la faray inay la shaqeeyaan guddiga loo xilsaaray arrintan.

Image

Faallooyin