Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor oo tababar loo soo xiray

Cutubyo ka tirsan Guutada 9aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa gelinkii dambe ee Axaddii lagu dhaariyay Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay tababarka dhameysteen.

Ciidamadan ayaa lagu dhaariyay Saldhigga Militariga Turkiga uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho ee Turksom, halkaasoo ay tababarka ku qaateen.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa tababarka u soo xiray ciidamadan, oo ku biiri doono hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha oo la hadlayay ciidamadaasi ayaa kula dardaarmay in ay daacad u noqdaan dalkooda, una adeegaan dadkooda.

Image

Image

Image

Image

Faallooyin