Nin la socday mooto bajaaj oo lagu dilay Beledweyne

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay caawa magaaladaasi ku dileen nin la socday mooto bajaaj.

Wararka ayaa sheegaya in raggaasi oo bastoolado ku hubeysnaa ay ninkaasi ku dhex toogteen mooto bajaajta.

Raggaasi ayaa dilka ka dib isaga baxsaday xaafadda Kooshin oo toogashadaasi ay ka gaysteen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Qeyleey uu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda ee ka hawlgala Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Ciidamada amniga oo gaaray goobtaasi ayaa ka sameeyay baaritaano, mana jirto cid la sheegay inay dilkaasi u soo qabteen..

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkan, sidoo kale laamaha amniga ayaan weli ka hadlin.

Faallooyin