Wasiirka Gaashaandhigga "Argagixisada uma kala soocna shacabka Soomaaliyeed"

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay afaafka hore ee Xerada General Dhega-badan, laguna dilay 11 ka mid ah dhalinyaradii dooneysay inay ku biiraan Ciidamada Militariga. Weerarkan ayaa waxaa kaloo ku dhaawacmay dhowr iyo soddon kale oo dhalinyaradaasi ka mid ah.

"Waxaan xanuunka la wadaagayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dhalinyarada go’aansatay inay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku biiraan oo dalkooda u adeegaan, oo ay maanta  argagixisadda ku xasuuqeen goob ka baxsan halkii lagu diiwaangelinyay." Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay dowladooda ku garab siiyaan la dagaalanka Al Shabaab, haddii aanay argagixisada u kala soocnayn shacabka Soomaaliyeed.

"Argagixisada uma kala soocna shacabka Soomaaliyeed, waxaana ugu baaqayaa shacabkeenna sharafta leh in ay dowladooda ku garab siiyaan dagaalka ay kula jirto argagixisada aan arxanka laheen." Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka oo bogaadinayay Ciidanka Xoogga Dalka iyo dhalinyarada ku biireysa ciidamada ayaa wuxuu yiri "Waxaan geesiyaasha u heelan difaaca dalkooda iyo dhalinyarada waxbaratay ee ku dhiiratay in ciidanka ay ku biiraan leeyahay waa sababta aad u go’aansateen in dalkiina aad ka difaacdaan cadowga. Qarankiina iyo shacabkiina marna ma ilaabi doonaan abaalkiina."

Dhanka kale Wasiir Xaaji ayaa sheegay inay Dowladda Federaalka sii wadi doonto tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoridda dhalinyarada dooneysa inay ka midka noqdaan ciidmada.

Ugu dambeen Wasiirka ayaa faray inay Ciidanka Xoogga Dalka sii wadaan hawlgalada ay haatan ka wadaan qaybo ka mid Gobolada Koonfurta ee ka dhanka ah Shabaabka hubeysan ee ka soo horjeeda jiritaanka Dowladda Federaalka.

Faallooyin