Dhalinyarada loo qaadanayo Gorgor oo goob ammaan ah loo wareejiyay

Ka dib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Xerada General Dhega-badan ee Magaalada Muqdisho ayuu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka goob kale u bedelay in lagu qoro dhalinyarada dooneysa inay ka mid noqdaan Kumaandooska Gorgor.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa haatan qaadanaya dhalinyaro cusub, si ay uga mid noqdaan Ururka 9aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Turkiga uu tababaro.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in dhalinyarada dooneysa inay ka mid noqdaan ciidamada lagu diiwaangelin doono Saldhigga Turkiga (Turksom) ee Magaalada Muqdisho, oo ah saldhig amnigiisa aad loo ilaaliyo.

Qoraalka ayaa lagu yiri "Dhammaan waxa la ogeysiinayaa dhalinyarada ku hamiga leh in ay ku soo biiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in qabashada Ardayda Leyli Saraakiil & Leyli Saraakiil Xigeen ay dhawaan ka bilaaban doonto Kulliyadda Turksom. Guul wacan."

Saldhigan ayaa ku yaala deegaanka Jaziira, waana goob ku dhow Xerada Tababarka ee General Dhega-badan, oo in muddo ahba lagu tababarayay Ciidamada Dowladda.

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay, dhowr iyo soddon kale way ku dhaawacmeen weerarka ka dhacay Xerada General Dhega-badan.

Goobjooge ayaa sheegay in qofka is qarxiyay uu beegsaday dhalinyaradan, xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee Xerada General Dhega-badan.

Xeradan ayaa dabayaaqadii sanadkii 2015 loogu magac-daray General Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan), Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo qudhiisa ku dhintay weerar abaabulan oo 1-dii bishii November ee sanadkaasi ay maleeshiyada Al Shabaab ku qaadeen Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Faallooyin