Ra'iisal Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirka Qatar (SAWIRRO)

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Qatar ee Somaliya, Amb. Hassan bin Hamza.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal, arrimaha doorashooyinka ee dalka iyo mashaariicda horumarineed ee Xukuumadda Doha ka waddo dalka.

"Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Somaliya, Danjire Xasan Xamza, oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal, habsami u socodka mashaariicda horumarineed ee Qatar ka hirgelinayso Somaliya iyo arrimaha doorashooyinka ee dalka." Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha.

Ra'iisal Wasaare Rooble oo masuul ka ah hirgelinta doorashooyinka dalka ayaa maalmihii ugu dambeysay kulamo la lahaa diblomaasiyiinta shisheeye ee dalka ka hawlgala.

May be an image of 3 people, people standing and indoor

May be an image of 1 person, sitting, standing and indoor

May be an image of 1 person, sitting, suit and indoor

May be an image of 1 person, sitting, suit and indoor

May be an image of 1 person, sitting and indoor

Faallooyin