Faah faahin: Ismiidaaminta ka dhacday Xerada General Dhega-badan

Faah faahino ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ahaa oo maanta ka dhacay Xerada General Dhega-badan ee Magaalada Muqdisho.

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa beegsaday oo isku qarxiyay dhalinyaro safaf ugu jiray Xerada General Dhega-badan, sidii loogu qori lahaa ka mid noqoshada Kumaandooska Gorgor. Dhalinyaradan ayuu qorshuhu ahaa in loo tababaro Ururka 9aad ee Gorgor.

Inta laga warqabo 10 nin oo dhalinyaro ah ayaa ku dhimatay qaraxaasi, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacantay.

Goobjooge ayaa sheegay in ninka is qarxiyay uu beegsaday dhalinyaradan, xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee Xerada General Dhega-badan.



Ilo dhanka caafimaadka ayaa sheegaya in meydadka sideed qof iyo dhaawaca 37 kale la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina, kaasoo Wariye-yaasha laga hor istaagay inay gudaha u galaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in nin isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidamada, kuwaa oo sida uu sheegay taagnaa bannaanka kontoroolka laga galo Xerada Tababarka Ciidamada ee General Dhega-badan.

Taliyaha ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in 10 dhalinyaro ahi ay dhinteen, halka 20 kalena ay dhaawacmeen.

Ururka Al Shabaab ayaa durbaba sheegtay masuuliyadda qaraxan ugu dambeeyay ee maanta ka dhacay Caasimadda Muqdisho.

Waa weerarkii labaad oo ismiidaamin ah oo ka dhaca Xerada General Dhega-badan, wax ka yar muddo afar sano ah. 4-tii bishii October ee sanadkii 2017 ayay ahayd markii nin isa soo miidaayay uu isku dhex qarxiyay xeradaasi.

Xeradan oo ku taala Degmada Wadajir ayaa waxay ku dhowdahay Saldhigga Militariga Turkiga uu ku leeyahay aagga Jaziira. Waana Saldhigga Turksom ee lagu tababaro Kumaandooska Gorgor ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Xeradan ayaa dabayaaqadii sanadkii 2015 loogu magac-daray General Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan), Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo qudhiisa ku dhintay weerar abaabulan oo 1-dii bishii November ee sanadkaasi ay maleeshiyada Al Shabaab ku qaadeen Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Faallooyin