Kenya oo sheegtay inay dib u furaneyso Safaaradeedii Somaliya

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay iclmaamisay inay dib u furaneyso Safaaradeeda Magaalada Muqdisho, tan iyo markii howlihii Safaaradda ay is taaggeen wixii ka dambeeyay 29-kii bishii November ee sanadkii hore, xilligaa oo Dowladda Somaliya ay Safiirkii Kenya, Amb. Lucas Tumbo ku wargelisay inuu dib wadatashi ugu laabto dalkiisa, sababo ku aaddan Somaliya oo Kenya ku eedeysay inay fara-gelin ku hayso arrimaheeda gudaha.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in Kenya ay dib u fureyso Safaaradeedii Somaliya, dibna ay u bilaaban doonaan howlihii shaqo ee hakadka ku jiray.

Qoraalka ayaa loogu baaqay Danjirihii Somaliya ee Kenya, Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan inuu dib ugu soo laabto Magaalada Nairobi.

Dowladda Somaliya ayaa Sabtidii sheegtay inay dib u furan doonto Safaaradeedii Kenya, ka dib markii ay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Kenya.

Faallooyin