Taliyaha Booliska oo la kulmay Shariif Sheekh Axmed (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa gelinkii dambe ee maanta hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Taliyaha oo ay la socdeen xubno uu ka mid yahay Taliye Kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed, General Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa waxay Shariifka ka wadahadleen qorshaha lagu suggayo amniga musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka.

"Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, General Xijaar, oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Shariif Sheekh Axmed. Kulankan waxaa lagaga wadahadlay qorshaha sugidda amniga musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka." Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska Booliska.

Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in Taliska Booliska uu u sheegay in Ciidanka Booliska ay dhexdhexaad ka yihiin arrimaha doorashooyinka, isla-markaana aanay qayb ka noqon doonin siyaasadda.

Qoraalka ayaa u qornaa "Waxaa booqasho noogu yimid Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo Saraakiil kale oo la socotay, iyadoon ka wadahadalnay arrimaha amniga doorashooyinka iyo ahmiyadda ay boolisku u leeyihiin.

Waxaan isla tusaaleynay muhiimadda ay u leedahay doorashada in la iska kaashado amniga, iyagoo noo ballanqaaday in Ciidanka Boolisku ay dhexdhexaad u yihiin murashaxiinta, oo aan loo adeegsan doonin arrimo siyaasadeed."

Faallooyin