Ra'iisal Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirka Turkiga ee dalka

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Turkiga ee dalka u joogga, Amb. Mehmet Yilmaz.

Qoraal la soo dhigay barta xafiiska Ra'iisal Wasaaraha ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay xoojinta xiirirka labada dowladood iyo weliba arrimaha doorashooyinka ee dalka.

"Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Somaliya, Mudane Mehmet Yilmez, oo ay ka wadahadleen xoojinta iskaashiga, xiriirka labada dal iyo arrimaha doorashooyinka ee dalka."

Qoraal kale oo lagu daabacay barta Safaaradda Turkiga ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay "Waxaa sharaf ii ah inaan kulan la qaato Ra'iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Waxaan ka wadahadalnay xiriirka iyo horumarka siyaasadeed, ee ugu dambeeyay ee la xiriira howlaha doorashada."

Turkiga waa saaxiibka ugu weyn ee maanta Somaliya leedahay, iyadoo Dowladda Federaalka uu ka taageero xoojinta dowladnimada, dib-u-dhiska dalka iyo weliba ciidamada.

Faallooyin