Ciidanka Xoogga Dalka oo ku baxay dagaal ka socdo galbeedka Beledweyne

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa goor dhow ku dhaqaaqay deegaanada dhanka galbeedka kaga toosan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo uu ka socdo dagaal u dhaxeeya beelo deegaanka ah.

Dagaalka ayaa la soo sheegaya in uu ka socdo deegaanka Baladulnuur, ka dib markii ay guuldareysteen waan-waan laga dhex waday laba maleeshiyo beeleed.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in dagaalka uu salka ku hayo muran ka dhashay dhul beeleed.

Ciidamada Militariga ayaa halkaasi loogu diray in ay kala dhex galaan labadaasi maleeshiyo, iyadoona ay weli xabaddu socoto.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaan wax wara ka soo saarin dagaalka saaka ka socdo duleedka Beledweyne.

Faallooyin