Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Culimada Soomaaliyeed (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan afuro ah kula qaatay qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhibaatooyinka kala duwan ee dib u dhigay dalka lagaga gudbi karo wadashaqayn buuxda, oo ay yeeshaan shacabka, Culimada Diinta iyo Madaxda Dowladda.

Madaxweynaha ayaa Culimada ku bogaadiyay doorka wanaagsan, ee ay ka qaataan wecyigelinta iyo toosinta bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo deminta colaadaha, isaga oo ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah.

Dhankooda Culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaalanka fekerka xagjirnimada, iyaga oo bogaadiyay tallaabooyinka loo qaaday dowlad wanaagga, ilaalinta ammaanada shacabka iyo xaqiijinta Cadaaladda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Culimada ka codsaday in ay sii xoojiyaan dadaaladooda ku aaddan horumarinta iyo kobcinta wecyiga bulshada, ayna hormuud u noqdaan xasilinta iyo nabadeynta dalka.

May be an image of 1 person and indoor

May be an image of 1 person and indoor

May be an image of 1 person and standing

May be an image of 1 person, standing and indoor

May be an image of 1 person, sitting and indoor

Faallooyin