Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlay kulan uu la qaatay Ergayga gaarka ee Qatar

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa galabta Magaalada Muqdisho kula kulmay Ergayga gaarka ah ee Wasiirka arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaalanka argagixisada, Multaq Alqahtani.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in ay Ergayga ka wadahadleen xaaladda guud ee dalka iyo weliba arrimaha doorashooyinka, oo sida uu sheegay ay muhiim tahay in dalka laga qabto doorasho wadar ogol ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa "Waxan maanta la kulmay Ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta, Dr. Multaq Alqahtani.

Waxaan ka wadahadalnay xaaladaha dalka iyo arrimaha Doorashooyinka, oo muhiim ay tahay in doorashooyin wada ogol ah ay dhacaan."

Multaq Alqahtani oo maalintii 3aad booqasho ku jooggo Magaalada Muqdisho ayaa ka wada kulamo leeskugu soo dhaweynayo dhinacyada siyaasadda ee dalka.

May be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

May be an image of 1 person and sitting

Faallooyin