Rooble "Waxaa naga go'an in aan dhowrno bad-qabka Saxafiyiinta"

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Saxafiyiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee 3-da May.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa Saxafiyiinta Soomaaliyeed ku ammaanay kaalintooda, waxaana uu ballanqaaday in Xukuumaddu difaaceyso xuquuqda iyo xorriyadda Saxaafadda.

"Waxaa naga go'an in aan dhowrno bad-qabka Saxafiyiinta iyo xogsiintooda ay xaqa u leeyihiin xilligan muhiimka ah ee dalkeenu gelayo xaalad doorasho, taas oo Saxafiyiintana saareysa masuuliyad dheeri ah iyo in ay bulshada u gudbiyaan macluumaad la hubo oo aan turxaan lahayn."

Akhriso:- Farriinta Ra'iisal Wasaaraha

No photo description available.

Faallooyin