Ergayga gaarka ee Qatar oo kulamo ka wada Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Ergayga gaarka ah ee Wasiirka arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaalanka argagixisada, Multaq Alqahtani oo booqasho ku joogga Magaalada Muqdisho ayaa ka bilaabay kulamo kala gooni gooni ah, oo leeskugu soo dhaweynayo dhinacyada siyaasadda ee dalka.

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno uu horkacayay Ergayga, waxayna ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha doorashooyinka dalka iyo la dagaalanka argagixisada.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale xafiiskiisa Ergayga iyo xubnaha wehlinayaba, kaasoo ay ka wadahadleen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. Intii uu kulanka socday ayaa lagu soo hadalqaaday go'aankii Golaha Shacabka ay Sabtidii ku baabi'iyeen muddada kororsiga iyo fulinta codsigii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee ahaa in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September.

Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa gelinkii dambe ee maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdigan.

"Dr. Multaq Alqahtani iyo Guddoomiyaha waxay ka wadahadleen xaaladda guud ee dalku marayo, xallinta khilaafyada ku hor gudban arrimaha doorashooyinka iyo kaalinta dhexdhexaadnimo, ee ay Dowladda Qatar ka qaadan karto, sidii la isugu soo dhawayn lahaa dhinacda isku khilaafsan hannaanka doorashooyinka, si dalka ay uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo la isla oggol yahay." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiye Xaashi.

Multaq Alqahtani iyo kooxdiisa ayaa caawa Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah Golaha Midowga Musharaxiinta, oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra'iisal Wasaarihii hore ee Somaliya, Xasan Cali Khayre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdiqaadir Cosoble Cali.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka si dhow looga hadlay xaaladda ka dhalatay arrimaha doorashooyinka ee dalka, iyadoo uu Ergayga warbixin ka dhageystay musharaxiinta.

Alqahtani ayaa la filayaa in kulamada uu ka wado Magaalada Muqdisho ku soo geba-gabeeyo kulan gaar ahi oo Villa Somalia uu kula leeyahay Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xukuumadda Doha ayaa la fahamsan yahay inay xiriir dhow la leedahay Villa Somalia.

Faallooyin